Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaga dhawaaqay balan-qaad aan caadi ahayn hadii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in hadii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya uu muddo sanad gudihiisa dalka Soomaaliya kusoo celin doonto nabad-galyaddii lagu yaqiinay, wuxuuna qoraalkiisa u dhignaa sidatan:-
“Hadii madaxweyne la ii doorto, waxaan nabadgelyo kusoo celin doonaa Soomaaliya muddo sanad gudiheed, waxaan marti qaadayaa Al-shabaab, waana la fariisanayaa, wada-hadal ayaana la furayaa, waa dhalinyaro Soomaaliyeed, waxayna xaq u leeyihiin in la maqlo” Ayuu Mr. Farmaajo ku yiri qoraalkiisa
Dhinaca kale, musharax Farmaajo ayaan sheegin qaabka iyo sida uu Al-shabaab kula hadlaayo, laakiin waxaa muuqata in ololaha doorashada uu la galay arrimo aan macquul aheyn, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda adag ee ka taagan doorashada Soomaaliya.
If I am elected, I will bring peace in SOM with in 1yr by getting z bottom of the major disruption. I’ll invite AS for a sit down&discussion
— Mohamed A. Farmaajo (@MFarmaajo2016) January 28, 2017