Maxamed C/laahi Farmaajo oo shir jaraa’id deg deg ah ku qabtay magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa baaq u kala jeediyay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa marka hore baaq u diray qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadda dalka, isagoona ugu baaqay in doorashada dalka ay dhex-dhexaad ka noqdaan islamarkaana ay faraha kala baxaan ololaha musharixiinta doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka Farmaajo ayaa laga dheehan karay inuu si weyn uga xumaaday xafladii xalay ka dhacday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, taas oo aheyd mid lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid madaxda maamul goboleedyadda dalka.

Mr. Farmaajo ayaa dhamaan madaxda maamul goboleedyadda dalka ugu baaqay in haatan ay wanaagsan tahay in madaxdaasi ay wax ka qabtaan xaaladda abaareed iyo dhibaatooyinka ka jira maamulada ay ka taliyaan.

“Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa inaan ugu baaqo madaxda dowlad goboleedyada inay dhex-dhexaad ka noqdaan doorashada madaxtinimada ee nagu soo food leh, ayna xoogga saaran wax ka qabashada dhibaatooyinka maamul iyo nololeed ee ka jira deegaannada qaarkood, waxaa nasiib daro ah inay qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolyeedadu isku dayayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku qasbaan hogaamiye ku fashilmay hoggaankii iyo mas’uuliyaddii dalka oo aan ognahay meesha uu dalka dhigey afartii sano ee lasoo dhaafay.” Sidaaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.

Dhinaca kale, Mr. Farmaajo ayaa ka codsaday xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya inay aad  uga fiirsadaan qofka ay ku aaminayaan masiirka umadda Soomaaliyeed, xilligaan xasaasiga ee la dooranayo madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-sano ee soo socota.

“Xildhibaanada sharafta leh waxaan ka sugeeynaa waajibaadka ay u dhaarteen inay si qoto-dheer uga fiirsadaan mas’uulka ay ku aamini doonaan masiirka umadda Soomaaliyeed mudada 4-ta sano ee soo socota” Ayuu hadalkiisa raaciyay Musharax Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli habeenkii xalay xaflad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana lagu taageerayay musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ay ka dhacday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, taas oo ay kasoo qeyb-galeen siyaasiyiin badan.

error: Content is protected !!