Prof. Jawaari oo magacaabay guddi ilaaliya anshaxa iyo bed-qabka geedi socodka doorashada (AKHRISO)

Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha baarlmaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu ku magacaabay guddiga ilaalinta anshaxa iyo asluub wanaagga iyo bed-qabka geeddi socodka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee dhici doonta 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Xubnaha guddigaan oo aan ka tirsanayn xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka kooban illaa 9 xubnood oo laga soo kala xulay ururada bulshada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxayna warbixin ka diyaarin doonaan xaaladda doorashada xilka madaxweynaha iyo bed-qabkeeda.

Doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonta 8-da bisha Febraayo ayaa waxaa ku tartami doonna illaa 24 musharax, kuwaas oo qaarkood xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

Inta badan musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa u tartamaya oo kaliya magac iyo inay xilal kale ka helaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonno.

Hoos ka aqriso guddiga uu Prof. Jawaari magacaabay:-

error: Content is protected !!