Seddax nin oo weerar qasaare geystay ku qaaday masjid ku yaala dalka Kanada (SAWIRO)

Seddax nin oo hubeysan ayaa habeenkii xalay weerar xoogan ku qaaday masjid ku yaala magaalada Quebec ee dalka Kanada, iyadoona weerarkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay inay weerarkaasi ku dhinteen, iyadoona 8 qof kale ay ku dhaawacantay.

Ciidanka booliska magaalada Quebec ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo qof oo looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen kooxihii weerarka ku qaaday masjidka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagaxiso ah, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay in weerar lagu qaado dad cibaadeysanaya.

Masjidka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay masaajidda ay gacanta ku haysto xarunta Islaamka ee dalka Kanada.

Waxaa muddooyinkii ugu dambeysay soo kordhayay weerarada lagu haayo goobaha ay ku cibaadeystaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalalka reer galbeedka ah.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkii xalay ee masjidka magaalada Quebec ayaa laga cabsi qabaa inay keento naceyb ka dhex dhasha bulshada muslimiinta iyo kirishtaanka ah ee ku wada nool magaaladaas.

error: Content is protected !!