DEG DEG:- Guddiga doorashada oo shaaciyay in la joojiyay qodobkii dood wadaaga ee musharixiiinta

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo goordhaw saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in gebi ahaan la joojiyay, lagana noqday qodobkii ahaa in dood wadaag loo qaban doonno musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Go’aanka guddiga doorashada uu goordhaw shaaciyay ayaa ka dambeeyay kadib markii uu muran hareeyay wejiga koowaad ee doodda musharixiinta madaxweynaha ee maanta lagu waday inay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada ayaa sababta ay qodobkaasi u joojiyeen ku macneeyay arrimo la xiriirta is-aaminaad la’aan iyo shaki hareeyay musharixiinta ku tartameeysa doorashada.

Illaa 12 musharixiin oo ka mid ah 24-ka musharax ee ku tartamaya doorashada xilka madaxweynaha ayaa maanta lagu waday inay dood wadaag ku yeeshaan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaaalada Muqdisho.

Doodaasi ayaa aheyd mid ay musharixiinta ku gudbinayaan fikirkooda siyaasadeed, waxaana kulankoodii koowaad durbadiiba ka dhex dhashay khilaaf baahsan oo keentay in lagu kala kaco doodda.

Dhinaca kale, arrinta ugu weyn ee khilaafka keentay ayaa la sheegayaa inay ahayd in doodda musharixiinta aysan si toos ah uga bixi doonin teleefishinada Soomaalida, si shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan fikirka siyaasadeed ee musharixiinta.

Musharixiinta maanta doodda isaga baxay ayaa waxaa ka mid ahaa:-

  • Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  • C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)
  • Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  • C/raxmaan C/shakuur Warsame
  • C/naasir Maxamed Cabdulle
  • Saciid C/laahi Dani
  • Bashiir Raage Shiiraar
  • C/laahi Xasan
  • Sakariye Xaaji Cabdi
  • Saciid Ciise Maxamuud
error: Content is protected !!