Jadwalka khudbadaha musharixiinta doorashada xilka madaxweynaha (AKHRISO)

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo saaray jadwalka khudbadaha musharixiinta madaxweynaha ay kahor jeedin doonaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Illaa 24-ka musharax ayaa doorashada xilka madaxweynaha ku tartami doonna doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo qorsheedu yahay inay ku dhacdo 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Jadwalka cusub ee khudbadaha musharixiinta ayaa loo qeybiyay illaa seddax qeybood, waxayna qeyb kasta noqon doontaa illaa 8 musharax oo khudbadahooda u jeedin doonna xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax kasto wuxuu ka hadli doonnaa khudbadiisa uu kusoo gudbinaayo fikirkiisa siyaasadeed.

Dhinaca kale, guddiga doorashada madaxweynaha ayaa musharixiinta u tartameeysa doorashada ka dalbaday inay barnaamjiyadooda siyaasadeed u gudbiyaan guddiga iyadoo qoraal ah, si ay guddiga ugu sahlanaato inay si hordhac ah u haystaan waxyaabaha ay ka hadli doonaan.
error: Content is protected !!