Khilaaf baahsan oo ka dhashay dooddii ay maanta yeelan lahaayeen musharixiinta madaxweynaha

Iyadoo maanta lagu waday in dood furan loo qabto musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inuu haatan khilaaf baahsan ka dhashay, kadib markii qaar ka mid ah musharixiintaasi ay isaga baxeen xaruntii baarlamaanka oo ay doodda ka socotay.

Illaa 12 musharax oo ka mid ah 24-ka musharixiin ee u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ee maanta u ballansanaa inay doodda si toos ah uga qeyb-galaan ayaa isaga baxay doodda kadib markii lagu wargeliyay in doodda aan si toos ah looga daawan karin TV-yada, maadaama ay magaalada ka jirto Internet la’aan.

Dooddaasi oo qorshaheedu ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah uga daawadaan teleefishinadda Soomaalida ayaanan sidaasi u dhicin, waxaana dooddii oo bilaabatay durbadiiba isaga baxay dhowr musharax oo diiday inay dooddaasi ka qeyb-galaan.

Musharixiinta isaga baxay dooddaasi ayaa ku andacoonaya in Internet la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho ay siyaasad ka dambeyso, waxaana musharixiinta maanta iskaga baxay xarunta baarlamaanka Soomaaliya oo ay doodda ka socotay ka mid ahaa:-

  • Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  • C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)
  • Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  • C/raxmaan C/shakuur Warsame
  • C/naasir Maxamed Cabdulle
  • Saciid C/laahi Dani
  • Bashiir Raage Shiiraar
  • C/laahi Xasan
  • Sakariye Xaaji Cabdi
  • Saciid Ciise Maxamuud

Illaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, waxaana weli socda dadaalo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo musharixiintaasi maanta isaga baxay doodda, iyadoona saacadaha soo socdo la filaayo in adeegga Internetka uu dib usoo laabto.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!