C/rashiid Xiddig oo ka jawaabay dhaleeceynta uga timid taageeradiisa Xasan Sheekh Maxamuud

C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay taageeradda uu u haayo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xaflad uu dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud ku qabtay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa ku casuumay xildhibaano badan oo uu ka mid yahay C/rashiid Xiddig.

C/rashiid Xiddig ayaa xafladaasi si cad uga sheegay inuu taageersan yahay musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku weeraray dad uu sheegay inay is-bedel been ah wadaan.

Dadkaasi ayuu ku sifeeyay inay yihiin kuwii hore u diiday inuu is-bedel dhab ah dhaco, kadib markii ay isku baheysteen inay kahor istaagaan inuu ka mid noqdo guddoonka baarlamaanka.

Hadaba qoraalka uu C/rashiid Xiddig soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ahayd sidatan:-

Asc dhamaan Asxaabta iyo taageerayaasha meel kastoo aad joogtaan, waxaan jecleystay comentigiina iyo doodaha aad is weydarsaneysan, waxaan rabaa inaan idin weydiiyo dhowr su,aalood

1. Waa run inaan isbedel ku dhawaaqay oo aan weliba meel lagu dhiiran karo so gaarsiiyay, waxaad dhamaantiin markhaati ka ahayden wixii dhacay.

2. Isbedelka aad rabteen ma wuxuu ahaa mid reero iyo shakhsiyaad gaar ah u adeegaya.

3. Sidee lagu gaari karaa isbedelka la rabo, waase heerkee?.

Anigoo jawaabta idin deynaya bal aan taabto dhowr arrimood:-

1. Isbedeka waxaa diiday kuwa hada hurdada ka kacay kadib markay u muuqatay siyaasada old fashionka ah ee ay isticmaalayaan iyagoo beerlaxawsi qabiil dan iyo dabeecad ka dhigtay.

2. Isbedelku ma dhamaanin laakiin ninba si u qaaday, hadaan nahay xildhibaanada isbedel doonka markii laysugu kaana tagay oo 3 cod nalagaga baxsaday, isbedelki kamaanan quusanin ee waxaan yeelanay qorshe 2-aad waxaana ku soconaa qorshihii 2-aad ee isbedelka.

3. Isbedel waxaa keeni kara marka dadka wada isbedelka lagu taageero, waxaan aad ula yaabaa markaan arko qoraalada kuwii shalay isbedelka diidanaa oo na xag-xaganayay oo hadana maanta isbedel raadinaya “read yourself”.

Ugu danbeyn hadii rabi idmo siyaasadda Soomaaliya ma ahaan doonto siyaasadii fadhiidka aheyd.

Bulshada soomaaliyeed ee qabiil iyo qof naceyb ka madax-banaan waxaan u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan wakiiladooda golaha shacabka.

Xildhibaanada 200 ka badan ee ku kulmay hotel SYL waxay soo bandhigen qeyb ka mid ah qorsheyaasha isdeba yaala ee siyaasada dalka lagu geedi-gelin karo, wuxuuna ahaa go’aan sax ah oo aad looga baaraan-degay kuna qotoma aragti ka madax banaan reer iyo shakhsi naceyb, waan hubaa inaad fasiraado kala duwan u sameyneysaan waase qof iyo garashadii.

Alaa weyn ninkii Aaminaa Awood leh.

error: Content is protected !!