Cumar C/rashiid “Waxaa jira culeysyo isa soo taraya oo ka imaanaya qaar ka mid ah dalalka dariska..”

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa qaar ka mid ah dalalka deriska ah ku eedeeyay inay faragelin baahsan ku haayaan doorashada dalka Soomaaliya.

Musharax Cumar C/rashiid oo maanta shir jiraa’id ku qabtay hoygiisa ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah dowladaha dariska ah ku eedeeyay inay cadaadis ku haayaan maamulada ka jira dalka, iyagoo ku qasbaya in la doorto musharax gaar ah oo ay iyaga wataan.

“Waxaa jira culeysyo isa soo taraya oo ka imaanaya qaar ka mid ah dalalka dariska, iyagoo olole ugu jira musharax gaar ah oo ay wataan, arinkaasina wax weyn kama badali karo niyada iyo rabitaanka xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

Sidoo kale, Cumar C/rashiid ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in faragalin cad lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya isagoona tilmaamay in dalka Soomaaliya uu yahay mid madax banaan islamarkaana doorashooyinka ka dhacaayana ay go’aankeeda leeyihiin dadka soomaalida ah, isagoona dhinaca kale baaq u diray baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan soo jeedinayaa in baarlamaanka Soomaaliya oo mas’uul ka ah shacabka Soomaaliyeed inaysan ogolaan faragalinta qaawan ee lagu hayo doorashada, Soomaaliya waa dal madax banaan iyada ayaana xaq u leh inay aayahooda ka tashtaan” Ayuu hadalkiisa raaciyay musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay uu yaraaday ololihiisa doorasho, taas oo loo sababeynayo in dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo isaga hore musharaxnimadiisa u taageeri jiray ay taageeradii kala noqdeen.

error: Content is protected !!