DHACDO NAXDIN LEH:- Askari ka tirsan ciidanka militeriga Galmudug oo fal kufsi ah u geystay gabar 6 jir ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu kufsaday gabar yar oo 6 sano jir ah, taas oo argagax horleh ku abuurtay dadka deegaanka.

Kufsiga gabadhaasi yar ayaa la sheegayaa inuu geystay askari ka tirsan ciidamada militeriga Galmudug, kaas oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen ciidamada nabad-sugidda ee maamulkaas.

Gabadha kufsiga loo geystay ayaa la sheegayaa in ninka kufsaday ay ka dhex aqoonsatay 30 qof oo uu ku dhex jiray.

Taliye ku-xigeenka saldhiga magaalada Cadaado Cumar Macalin ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in weli uu socdo baaritaano lagu haayo ninka lagu soo eedeeyay falka kufsiga gabadhaasi yar.

Askarigaasi falka kufsiga lagu soo eedeeyay ayaa la sheegayaa inuu haatan ku xiran yahay xabsi ku yaala magaalada Cadaado, waxaana maanta magaaladaasi si weyn looga hadal haayaa falkaan kufsiga ah.

Ugu dambeyntii, falalka kufsiga ah ee loo geysanaayo gabadhaha yar ayaa u muuqda mid muddooyinkii ugu dambeysay kusoo batay koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoona aanay weli jirin cid arrinkaasi wax ka qabata.

error: Content is protected !!