Faah faahin:- Prof. Dufle oo saakay ka bad-baaday qarax miino oo lagu qaarjin lahaa

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax miino ah oo saakay lagu weeraray Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Prof. Dufle ayaa la sheegayaa in qaraxaasi lala eegtay xilli uu kusii jeeday xarun caafimaad oo uu ku leeyahay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Miinadaasi ayaa la sheegayaa inay qaraxday xilli  uu Prof. Dufle maraayay goobta qaraxa lagu aasay, inkastoo aysan jirin wax qasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay, balse uu burbur xoogan soo gaaray gaariga uu watay xildhibaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay ee qarax lagu bar-tilmaameedsado mid ka mid ah xildhibaanada ka tirsan  Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!