Meydadka seddax qof oo qoorta laga jaray oo laga helay duuleedka degmada Qandala

Wararka naga soo gaaraya duuleedka degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay aroortii halkaasi lagu arkay meydadka seddax qof oo qoorta laga jaray iyo waraaqo fariimo ku qoran oo meydadkaasi lasoo raaciyay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa u sheegay in meydka seddexdaasi qof la helay ay ahaayeen kuwa madaxa laga jaray islamarkaana lasoo dhigay inta u dhaxeeysa tuuladda Karin iyo degmada Qandala.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada Puntland ayaa loo maleeynayaa in dilka seddaxdaasi qof ay ka dambeeyaan.

Sidoo kale, waxaa meydadka seddaxdaasi qof la socday waraaqado ay ku qoran yihiin digniino ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu aaso iyo sidoo kale magacyadda meydadkaas.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gaaray goobta meydadkaasi lasoo dhigay ayaa sheegay in dhawaan ay howlgalo ka fulin doonaan deegaanada ku xeeran degmada Qandala.

Dadka la gowracay ayaa loo maleeynayaa inay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, oo dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubteen degmada Qandala ee gobolka Bari.

error: Content is protected !!