Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa shir-gudoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashada madaxweynaha oo ay kasoo qaybgaleen wasiirada cadaaladda iyo amniga, ku-xigeenka ergeyga gaarga ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Mudane Carteh ayaa ugu horeeyn ka dhageystay taliyayaasha warbixin ku saabsan amniga dalka, kadibna kula dar-daaramay inay diiradda saaraan sugida amniga xildhibaanada, musharixiinta, iyo goobta ay doorashada ka dhaceeyso.

“Waxa uu xil inaga saaranyahay in aynu sugno amniga musharixiinta islamarkaana diiradda saarnno doorashada madaxtooyada ee isbuuca soo socda dalka ka dhaceysa”. Ayuu yiri Mudane Carteh

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kala hadlay inay xoojiyaan wada shaqeeynta ka dhaxeeysa iyo is dhaafsiga macluumaadka.

“Wada shaqeynta idinka dhaxeeysa waa mida suurtagal ka dhigtay in si nabdoon ay u dhacaan doorashooyinkii labada aqal, sidaas awgeed, waxa aan idinku dhiira-gelinayaa inaad isla wadaagtaan xogaha amniga si loogu guuleysto sugida amniga doorashada madaxweynaha” Ayuu hadalkiisa raaciyay Mudane Carteh.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sidii amniga u ahaan lahaa mid marwalba sugan.

-DHAMAAD-

error: Content is protected !!