DEG DEG:- Si toos u daawo khudbadaha musharixiinta oo ka socota xarunta baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa haatan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaabatay khudbaha ay jeedinayaan 8-da musharax ee ka midka ah musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Khudbadahaasi ayaa ku saabsan mid ay dhamaan musharixiintaasi kusoo gudbiyaan fikirkooda siyaasadeed hadii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka goobta ay haatan ka socoto khudbadaha musharixiinta ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in qeybta koowaad ee khudbaha musharixiinta soo gaba-gabowdo.

Qeybta labaad ee khudbadaha musharixiinta ayaa dhici doonta maalinta Sabtida ah, iyadoona ay sidoo kale soo jeedin doonaan musharixiin kale oo tiradooda 8 gaareyso.

Musharixiinta maanta khudbadaha jeedinaaya ayaa kala ah:-

  1. Xasan Sheekh Maxamuud
  2. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  3. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  4. Axmed Maxamed Cabdi
  5. Bashiir Raage Shiiraar
  6. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  7. Saciid Cabdullaahi Deni
  8. Saciid Ciise Maxamuud

error: Content is protected !!