Magacyadda musharixiinta khudbadaha maanta kahor jeedin doonna labada Aqal ee baarlamaanka

Illaa 8 musharax oo ka mid ah musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in khudbadahooda ay kahor jeediyaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mid kasta oo ka mid ah musharixiinta khudbadaha jeedin doonna ayaa wuxuu hadli doonnaa muddo 30 daqiiqo ah oo uu fikirkiisa siyaasadeed kusoo gudbin doonno.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay si toos ah u bilaabato khudbadaha musharixiinta madaxweyne oo haatan qaban-qaabadeeda ay si toos ah uga socoto xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magalaada Muqdisho.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedin doonna ayaa kala ah:-

  1. Xasan Sheekh Maxamuud
  2. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  3. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  4. Axmed Maxamed Cabdi
  5. Bashiir Raage Shiiraar
  6. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  7. Saciid Cabdullaahi Deni
  8. Saciid Ciise Maxamuud

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!