Wararkii ugu dambeeyay qarax daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa qarax aad u xoogan oo waxyar kahor ka dhacay bar-koontrool oo ku taalla inta u dhaxeeysa xaafadda Beyxaani iyo Nasiib Buundo, kuna dhaw Hoteelka Oriental oo ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxaan ayaa hadane warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in lagu soo xiray gaari uu watay shaqsi lagu magacaabo Mustaf Jeylaani Abuu Sheekh, kaas oo dhaawac culus soo gaaray awgiis markii dambe isbitaalka ugu geeriyooday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo goordhaw warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa u xaqiijiyay in Mustaf Jeylaani Abuu Sheekh uu qaraxa waxyeelo kasoo gaaray, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo caadi ah, islamarkaana aanay siyaasadda wax lug ah ku lahayn.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in qaraxaasi lagu soo rakibo gaariga uu watay ninkaasi la sheegay inuu ahaa qof shacab ah, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ninkaasi uu ahaa shaqaalaha dekedda Muqdisho.

error: Content is protected !!