Xildhibaan Maxamed Cumar Carte oo baarlamaanka kala wareegay lacag wax looga qabanaayo abaaraha (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran Xildhibaan Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka guddoomay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari lacag dhan $360,000 (Seddax Boqol Iyo Lixdan Kun).

Lacagtaas oo ah 50% lacagti laga uruuriyay musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid ay horey xildhibaanada labada Aqal u go’aamiyeen in wax looga qabto abaaraha ka jira gobolada dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Carte ayaa markii uu la wareegay lacagtaasi kadib u mahad celiyay dhammaan musharixiinta iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay in lacagtaan ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

“Xildhibaanada labada gole iyo musharixiinta aad ayaan uga mahad celinayaa doorka ay ka qaateen in loo gar-gaaro dadkeenna dhibaateysan; waxa aan Ilaahay hortiis iyo hortiinaba ka ballan qaadayaa in lacagtani ay ku bixi doonto sidii loogu talagalay”. Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Ugu dmabeyn, Xildhibaan Maxamed Cumar Carte ayaa xildhibaanada, musharixiinta iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay wax walba oo karaankooda ah la garab istaagaan guddiga si loo bad-baadiyo ku dhawaad 5 milyan oo qof oo Soomaali ah oo ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

error: Content is protected !!