Xilliga doodda musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay (DHAGEYSO)

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib loo qaban doonno dood-wadaagii loo qaban lahaa musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in kulan ay wada-yeesheen iyaga iyo musharixiinta kadib ay isla garteen in la qabto dooda su’aalaha lagu weydiinayo musharixiintaas.

Guddoomiye Beyle ayaa sheegay in hore ay u sameeyeen maalmo dheeraad ah oo hadii wax dhib ah u dhacaan loo baxsan karo, waxayna labada dhinac isla garteen in doodda la qabto maalinta Isniinta ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 6-da bishaan Febraayo.

“Wada-hadalo badan aynu yeelannay kadib, waxaa nalagu qanciyay in Internetkii uu haatan wanaagsan yahay, dooddiina loo baahan yahay in la qabto, marka waxaynu isla garannay in doodii lagu celiyo oo la qabto 6-da bishaan Febraayo,  hadii Ilaahay yiraado” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle

Dhawaan ayay aheyd markii uu muran ka dhashay dooddii loo qaban lahaa musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la isku khilaafay in doodda aysan aheyn si Toos ah, islamarkaana loo diiday in warbaahinta madaxa banaan ay ka qeyb qaataan tabinta dooddaasi.

Musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhegay inaan doodda la laalin islamarkaana la qabto, iyadoona ay xusid mudan tahay in guddiga doorashada uu qodobkaasi laallay balse ay musharixiinta sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya kaliya uu go’aan ka gaari karo arrinkaasi.

error: Content is protected !!