Banaanbax ballaaran oo ka soconaya Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka qeyb-gashay (SAWIRO)

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan taaladda Dajirka Dahsoon ka socdo banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii ay shalay qaadatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, taas oo ku saabsaneyd dacwada muran Baddeedka ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, banaanbaxaan ayaa kusoo beegmayaa xilli maalintii shalay maxkamadda cadaaladda caalamiga (ICJ) ee magaalada Hague ee dalka Holland ay ogolaatay inay qaado dacwadda Soomaaliya ay kasoo gudbisay Kenya, taas oo ku saabsan boobka ay Kenya ku dooneyso inay ku qaadato Badda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu ammaanayo maxkamadda ICJ, islamarkaana loogu baaqayo bulshada Soomaaliyeed inay isku duubni muujiyaan.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiin ka hadashay goobta uu banaanbaxa ka soconaayo ayaa baaq culus u diray shacabka Muqdisho, iyagoona ugu baaqay inay kasoo qeyb-galaan banaanbaxaan uljeedkiisa yahay sidii loo muujin lahaa taageeridda ay shacabka Soomaaliyeed ku taageerayaan go’aankii maxkamadda ICJ ay shalay ku dhawaaqday.

error: Content is protected !!