Xildhibaano ku dhaartay in maalinta doorashada ay dhici doonto wax aan la fileynin (SAWIRO)

In ka badan 170 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaasi oo u badnaa kuwa kasoo horjeeda musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankooda uga hadlaayay masiirka dalka, doorashada madaxweynaha iyo faragelinta baahsan oo au dowladaha shisheeye ku haayaan doorashada dalka.

Sidoo kale, kulanka xildhibaanadaasi ayaa ahaa sidii ay diiradda ku saari lahaayeen in dalka Soomaaliya uu haatan u baahan yahay in hogaanka dalka isbadel lagu sameeyo, maadaama ay yihiin dad shacabka Soomaaliyeed matalaya.

Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada ka qeyb-gashay kulankaasi ayaa sheegay in haatan uu bilawday kacdoon cusub oo looga hortagaayo musuq-maasuqa iyo maamula xumidda ku baahday dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, xildhibaan Fiqi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in maalinta doorashada ay arki doonaan wax ay ku farxi doonaan islamarkaana ay ka dhabeyn doonaan dhaartii ay ku dhaarteen.

error: Content is protected !!