DEG DEG:- Si toos u daawo qeybta labaad ee khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa haatan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaabatay qeybta labaad ee khudbaha ay jeedinayaan 7-da musharax ee ka midka ah musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Khudbadahaasi ayaa ku saabsan mid ay dhamaan musharixiintaasi kusoo gudbiyaan fikirkooda siyaasadeed hadii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka goobta ay haatan ka socoto khudbadaha musharixiinta ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in qeybta koowaad ee khudbaha musharixiinta soo gaba-gabowdo.

Qeybta seddaxaad ee khudbadaha musharixiinta ayaa dhici doonta maalinta berri oo Axad ah, waxaana markaasi kadib xigi doonna doodda musharixiinta loo qabanaayo maalinta Isniinta ee soo socota.

Musharixiinta maanta khudbadaha jeedinaaya ayaa kala ah:-

  1. C/naasir C/dulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. Cabdullaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gaas)
  5. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  6. C/laahi Cosoble Cali
  7. Cali Xaaji Warsame

error: Content is protected !!