Mid ka mid ah musharixiinta madaxweynaha oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay doorashada (AKHRISO)

Injineer C/laahi Cali Xasan oo ka mid ahaa 24-ka musharax ee u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka doorashadaasi oo lagu waday inay dhacdo 8-da bishaan Febraayo.

War qoraal ah uu soo saaray Injineer C/laahi Cali Xasan ayuu sababta uu isaga haray doorashada ku sheegay inay tahay kadib markuu arkay xaaladda uu haatan dalka maraayo islamarkaana uu la tashaday waxgaradka, siyaasiinta, aqoonyahada, dhalinyarada, haweenka, duubabka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Injineer C/laahi Cali Xasan oo ku heyb ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  uu go’aansaday inuu tartanka madaxweynimo ka tanaasulo.

Ugu dambeyntii, Injineer C/laahi Cali Xasan ayaa haatan ka mid ah xildhibaanada Aqalka hoose ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waana ganacsato maal-qabeen ah oo la sheegayo inay saaxiibo dhaw yihiin madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hoos ka aqri qoraalka uu soo saaray Injineer C/laahi Cali Xasan

Anigoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan go’aan ku gaaray  inaan ka tanaasulo u tartanka jagada madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaasulkeyga musharaxnimada madaxweynaha wiuxuu ku saleysan yahay sababaha hoos ku qoran:-

Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida  loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowlad wanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.

Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena  ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo  ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa inaan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto, diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.

Aniga oo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.

Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.

Dhammaad

error: Content is protected !!