DEG DEG:- Si toos u daawo qeybta seddaxaad khudbadaha musharixiinta madaxweynaha

Waxaa haatan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaabatay qeybta seddaxaad ee khudbaha ay jeedinayaan 8-da musharax ee ka midka ah musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Khudbadahaasi ayaa ku saabsan mid ay dhamaan musharixiintaasi kusoo gudbiyaan fikirkooda siyaasadeed hadii loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka goobta ay haatan ka socoto khudbadaha musharixiinta ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in qeybta koowaad ee khudbaha musharixiinta soo gaba-gabowdo.

Dhinaca kale, waxaa maalinta berri oo Axad ah la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya loo qabto dood-wadaag su’aalo lagu weydiin doonno, waxaana loo kala qeybin doonnaa laba qeybood oo ka kala dhici doonta gelinka hore iyo gelinka dambe.

Musharixiinta maanta khudbadaha jeedinaaya ayaa kala ah:-

  1. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
  2. Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
  3. Maxamed Axmed Jabarti
  4. Maxamed C/laahi Farmaajo
  5. Maxamed Cali Nuur Americo
  6. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  7. Maxamed C/risaaq
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

error: Content is protected !!