Maamulka gobolka Banaadir oo bandow labo maalmood soconaya kusoo rogay Muqdisho (DHAGEYSO)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho muddo labo maalmood ah geli doonto bandow, xilliga lagu guddo jiro doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonto 8-da bishaan Febraayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay amarro lagu soo rogay isku socodka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu gudoomiye Yuusuf Madaale sheegay in laga bilaabo galabnimada Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 7-da illaa 9-ka bishaan Febraayo aysan jiri doonin dhaq-dhaqaaq dadka iyo gaadiidka.

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 5-ta galabnimo maalinta Talaadada ah ay magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonto xayiraadda ilaa ay ka dhammaato doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Yuusuf Madaale ayaa ka codsaday shacabka Muqdisho inay u dulqaataan wax kasto oo uga yimaada wadooyinka inta ay xiran yihiin una samraan ciidamada amaanka sugaya.

Si kastaba ha ahaatee, dad reer Muqdisho ayaa labada maalmood ee bandowga lagu soo rogay ku xukumanaan doonno inay guryahooda joogaan, islamarkaana aanay jiri doonin wax shaqo iyo waxbarasho ah.

error: Content is protected !!