Magacyadda musharixiinta maanta khudbada kahor jeedin doonna xildhibaanada baarlamaaanka (AKHIRSO)

Illaa 8 musharax oo ka mid ah musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in khudbadahooda ay kahor jeediyaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiintaan oo ay ku jiraan kuwa hore xilal uga soo qabtay dalka iyo kuwa ku cusub siyaasadda dalka ayaa mid kasta oo ka mid ah wuxuu hadli doonnaa muddo 30 daqiiqo ah oo uu fikirkiisa siyaasadeed kusoo gudbin doonno.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay si toos ah u bilaabato khudbadaha musharixiinta madaxweyne oo haatan qaban-qaabadeeda ay si toos ah uga socoto xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magalaada Muqdisho.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedin doonna ayaa kala ah:-

  1. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
  2. Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
  3. Maxamed Axmed Jabarti
  4. Maxamed C/laahi Farmaajo
  5. Maxamed Cali Nuur Americo
  6. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  7. Maxamed C/risaaq
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

Dhinaca kale, waxaa maalinta berri oo Axad ah la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya loo qabto dood-wadaag su’aalo lagu weydiin doonno, waxaana loo kala qeybin doonnaa laba qeybood.

Qeybta koowaad ayaa bilaaban doonta subixii hore ee Isniinta, halka qeybta labaad ay la bilaabi doonto gelinka dambe oo isla maalintaasi ah.

Ugu dambeyntii, tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonta 8-da bishaan Febraayo, taas oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

error: Content is protected !!