Qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo markii ugu horeeysay lagu xiray kaamerooyinka CCTV

Waxaa maanta dhowr isgoysyadda ugu waaweyn ee ku yaala wadooyinka magaalada Muqdisho laga dhaqan geliyay in lagu xiro kaamerooyinka ilaalada ah ee loo yaqaano CCTV, kuwaas oo loogu tala-galay inay ka qeyb qaataan ammaanka iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Kaamerooyinkaasi loo yaqaano CCTV ayaa lagu xiray isgoysyada kala ah; Banaadir, Zoobe, KM4, Dabka iyo Sayidka, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa goobahaasi, waxaana la sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay xoojinta ammaanka xilli la isku diyaarinaayo doorashada madaxweynaha oo dhici doonta 8-da bishaan Febraayo.

Baallooyinka hore looga dhisay wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoysyadda kor ku xusan ayaa saakay lagu arkayaa inay ku xiran yihiin kaamerooyinka CCTV, taas oo lagu soo beegay maalmo kahor doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, kaamirooyinkan ayaa lagala socon doonnaa gawaarida looga shakiyo inay waxyaabaha qarxa ay wadaan ama howlo ammaan daro ku howlan yihiin, waxaana kaamirooynkan dhaq-dhaqaaqooda si toos ah ula socda dad aqoon u leh oo loogu tala galay inay si taxadar leh ula socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin kahor ay Xarakada Al-shabaab ku hanjabeen in xarumaha dowladda iyo goobaha ay doorashada ka dhacayaan ka geysan doonaan qaraxyo waaweyn oo ka culus kuwii hore ay magaalada ka geysan jireen.

error: Content is protected !!