Sababta rasmiga ah ee doorashada looga wareejiyay goobtii hore loo qorsheeyay (DHAGEYSO)

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in doorashada madaxweynaha laga wareejiyo xarunta School Polizio ee Jeneraal Kaahiye islamarkaana loo wareejiyo xeradda Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada madaxweyanaha Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa u sheegay in 18 musharx ay soo gudbiyeen in xarunta School Polizio ee haatan loo yaqaano Jeneraal Kaahiye laga wareejiyo doorashada sababo la xariiro arrimaha amaanka musharixiinta.

Guddomiye Bayle ayaa sidoo kale sheegay in qiimeynta ay aheyd sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah, balse qaar badan oo kamid ah musharixiintu ay wel-wel ka muujiyeen xerada School Polizio ee haatan loo yaqaan Jeneraal Kaahiye.

“18 musharax oo ka mid ah musharixiinta madaxweyne ayaa warqad soo qoray, waxayna walaac ka muujiyeen in doorashada hadii lagu qabto Jeneraal Kaahiye aysan kalsooni badan ku qabin, sidaas awgeedna codsaday in la raadiyo meel kale oo doorashada lagu qabto, uljeedadana waxay tahay in la is arko meel aanan qolal badan oo mad-madoow iyo dhir badan laheyn oo la is arki karo, si doorasho xalaal ah ay u dhacdo” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Bayle.

Dhinaca kale, warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in haatan la diyaariyay ciidamo isugu jira Ajaanib iyo kuwa Gaashaan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya ayaa inta ay socoto doorashada madaxtinimada Soomaaliya suggi doonno ammaanka goobta ay doorashadaasi ka dhaceeyso.

Ugu dambeyntii, goobta haatan la isku raacay in lagu qabto doorashada madaxweynaha ayaa noqon doonta xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goob weyn oo si weyn la isaga arko arko maadaama aysan lahayn qolal badan ama dhir badan oo halkaasi ku yaala.

error: Content is protected !!