Al-shabaab oo meel fagaare ah ku dilay 4 nin oo ay kusoo eedeeyeen falal basaasnimo

Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe shalay degmada Jamaame ee gobolka J/hoose ku dilay afar nin oo ay kusoo eedeeyeen falal basaasnimo ah.

Maxkamada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa xukunkaasi dilka ah ku fulisay afartaasi nin oo ay ku eedeeysay falal basaasnimo ah, ayna u basaasayeen dalalka Mareykanka, Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Fagaaraha nimankaan xukunka dilka ah lagu fuliyay oo ku yaalo degmada Jamaame ayaa waxaa usoo daawasho tagay dadweyne fara badan oo ay Al-shabaab isugu yeertay, waxaana la sheegayaa in nimankaasi la dilay ay ahaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale, nimanka dilka lagu fuliyay ayaa dambiyadda ay ku eedeysnaayeen kala ahaa:-

  • Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 sano jir ah iyo Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah, waxaa labadooda lagu soo eedeeyay inay la shaqeynayeen CIA-da Mareykanka.
  • Axmed Ibraahim Hirre oo 28 sano jir ah, iyo C/laahi Cali Xasan oo isna 26 sano jir ah ayaa lagu soo kala eedeeyay inay u kala shaqeeynayeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Illaa iyo haatan ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya in nimankaan dilka lagu fuliyay ay ahaayeen kuwa la shaqeeynayay sirdoonada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo dowladda federaaalka Soomaaliya, marka laga reebo eedeymaha Al-shabaab u jeediyeen nimankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan dilal u geysta dadka ay ku tuhmaan inay la shaqeeyaan dowladaha shisheeye iyo dowladda federaaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!