Doodda musharixiinta xilka madaxweynaha iyo qaabka loogu qeybiyay (AKHRISO)

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu qabto dood-wadaag su’aalo lagu weeydiinayo musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Doodaan oo hore qabsoomideeda uu khilaaf ka dhashay wuxuu guddiga doorashada madaxweynaha markaasi shaaciyay in gebi ahaan lalaalay qodobka doodda, inkastoo markii dambe la go’aamiyay in la qabto.

Musharixiinta doodda loo qabanaayo ayaa waxaa loo qeybiyay laba qeybood, waxayna dooddaasi qeybteeda koowaad bilaaban doontaa 12-ka duhurnimo, iyadoona socon doonto illaa 2-da duhurnimo.

Tiradda musharixiinta ka qeyb gali doonto qeybta koowaad ayaa la sheegayaa inay yihiin illaa 11 musharax, waxayna kala yihiin sida soo socota:-

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  5. Saciid C/laahi Deni
  6. Dr. Saciid Ciise Maxamuud
  7. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  8. C/naasir C/dulle Maxamed
  9. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  10. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  11. C/laahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees)

Dhinaca kale, qeybta labaad ee doodda musharixiinta ayaa sidoo kale socon doonta muddo 2 saacadood ah, waxayna bilaaban doontaa 2-da duhurnimo, iyadoona socon doonto illaa 4-ta galabnimo.

Musharixiinta ka qeyb-galeysa doodda qeybta labaad ayaa waxay kala yihiin sida soo socota:-

  1. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  2. C/qaadir Cosoble Cali
  3. Cali Xaaji Warsame
  4. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
  5. Dr. Maxamuud Maxamed Culusoow
  6. Maxamed Axmed Jabarti
  7. Maxamed C/laahi Farmaajo
  8. Maxamed Cali Nuur Ameeriko
  9. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  10. Maxamed C/risaaq
  11. Xasan Sheekh Maxamuud
  12. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

Si kastaba ha ahaatee, maalinta Arbacada soo socoto ayaa lagu wadaa in la qabto tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doonno illaa 23 musharixiin oo qaarkood xilal kala duwan hore uga soo qabtay dalka.

error: Content is protected !!