Musharixiin qorsheeynaysa inay ka tanaasulaan tartanka doorashada madaxweynaha (AKHRISO)

Iyadoo maalmihii ugu dambeysay uu sii xoogaysanayay ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay kala wadaan musharixiinta u tartameeysa doorashadaasi ayaa hadane waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah ah musharixiintaasi ay tanaasul sameyn rabaan.

Illaa 23 musharixiin ayaa qorshuhu yahay inay ku tartamaan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonto maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bishaan Febraayo.

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno qaar ka mid ah howlwadeenada musharixiinta doorashada madaxweynaha ayaa inoo xaqiijiyay in 3 musharax oo ka mid ah 23-ka musharixiintaasi ay ogolaadeen inay ka tanaasulaan ololahooda doorasho.

Musharaxiintaasi ee tanaasulka sameyn rabto ayaa kala ah; C/laahi Cali Axmed oo loo yaqaano Caddow Cali Gees, C/raxmaan Faroole, iyo Bashiir Raage Shiraar, waxaana hore tanaasul u sameeyay Eng. C/laahi Cali Xasan, kaas oo la sheegayo in heshiis hoosaad uu la galay musharaxa ay isku beesha yihiin ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, xiriir aynu la sameeynay seddaxdaasi musharax ayaa waxay inoo sheegeen inaysan jirin wax tanaasul la yiraahdo oo ay sameynayaan islamarkaana ay u tartami doonaan tartanka doorashada madaxweynaha oo dhici doonta 8-da bishaan Febraayo ee 2017-ka.

error: Content is protected !!