Musharixiin iska diiday inay ku biiraan musharixiinta kale ay hormuudka ka yihiin Sheekh Shariif iyo Farmaajo

Iyadoo maalinta berrito lagu wado in xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadane qaar ka mid ah musharixiinta ugu cad-cad kuwa isbadel doonka ah waxay iska diideen inay qeyb ka noqdaan isbaheysi ay hormuud u yihiin madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihiisa hore Maxamed C/laahi Farmaajo.

Musharixiintaan oo qaarkood loo saadaalinaayo inay ku guuleystaan doorshada madaxtinimada Soomaaliya ayaa sacadihii ugu dambeeysay magaalada Muqdisho ka waday kulamo isdaba-joog ah oo ay la yeelanayeen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta diidan isbaheysiga musharixiinta kale ee isbadel doonka ah ayaa kala ah; C/raxmaan C/shakuur Warsame, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Ololaha doorasho ee musharixiintaan ayaa saacadba saacada kasii dambeysa sii xoogaysanaya, waxaana ololaha doorashadaan ee musharixiinta kale isbadel doonka ah kusoo biiray siyaasiyiin, maamul goboleedyada iyo shirkado ganacsi, kuwaas oo dadaal xoogan ugu jiro inuusan xilka markale dib ugu soo laaban Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, maalinta berri ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay si rasmi ah uga dhacdo xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoona doorashadaasi laga filan karo inuu kusoo baxo shaqsi siyaasada Soomaaliya ku cusub ama shaqsi hore xil uga soo qabtay dalka balse ka mid ah musharixiinta isbadel doonka ah.

error: Content is protected !!