Musharixiin ku heshiiyay dhowr qodob, iskuna raacay inay isbahaysi cod wareejin ah isku sameeyaan (DAAWO)

Illaa 11 musharixiin oo ka mid ah 23-ka musharax ee ku tartamaya doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqtiyadii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoona ugu dambeyn ku heshiiyay isbaheysi cod isku wareejin ah oo musharixii cod bata wareegyada ay taageeri doonaan musharixiinta kale.

War-qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen illaa 11 musharax oo waqtiyadii ugu dambeysay kulamo kala duwan ku yeelanayay Hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa soo saaray heshiis is-afgarad ah oo ka kooban dhowr qodob, kaas oo kala ah sida soo socoto:-

1 – In si dhaw loo wada shaqeeyo la iskuna xiro dhammaan howl-wadeenada ka shaqeeynaya ololaha doorashada ee musharixiintaasi oo haatan gaba-gabo mareeyso.

2- In xildhibaanada qaranka ee taageersan isbedelka ay isku duubnaadaan iskana war hayaan.

3- In xubnaha musharixinta ku midoobay golahan ay ka shaqeeyaan sidii codka xildhibaanadu uu u xaqiijin lahaa isbedel dhab ah inuu hirgalo, iyadoo si toos ah loo taageerayo musharaxa ugu cod bata ee ka mid ah golahan wareegyada kala duwan ee doorashadu mari doonto.

4- In haddii isbedelku guuleysto mid ka mid ah musharixiinta Golahan uu dhiso dowlad haysata kalsoonida baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso musharixiinta isbadel doonka ee heshiiskan galay:-

1-  Shariif Sheekh Axmed

2- Maxamed C/laahi Farmaajo

3-  C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

4-  Maxamed Cali Nuur Americo

5-  Cali Xaaji Warsame

6-  Xaaji Maxamed Yaasiin

7-  Dr. Maxamuud Maxamed Culusow

8-  Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

9-  Saciid C/laahi Dani

10- C/laahi Ciilmooge Xirsi

11- Maxamed Axmed Jabarti

Dhinaca kale, maalinta berri oo Arbaco ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ay  ku tartamayaan illaa 23 musharixiin oo qaarkood isbahaysi horleh sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceeyso ayaa haatan ah mid aad loo adkeeyay, waxaana inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho maanta lagu arkayaa ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugid iyo kuwa boolis ah oo ammaanka magaalada si weyn u ilaalinaya.

error: Content is protected !!