Tarsan “Waxaa nasiib darro ah in dad raba inay shacabka hogaamiyaan inay lacag laaluush ah…”

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in hoteelada iyo guryaha ay degan yihiin musharixiinta qaarkood caawa lacago laaluush ah lagu qeybinaayo.

Musharax Tarsan oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal kooban ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad doonaya inay dalka hogaamiyaan ay lacago laaluush ah u qeybiyaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoona dhinaca kale sheegay in arrinkaasi ay tahay nasiib darro iyo calool xumo ku habsatay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah in dad raba inay shacabka hogaamiyaan inay lacag laaluush ah ku qeybiyaan Hoteelada iyo guryo ay si gaar ah u kireysteen, waa calool xumo weyn, Ilaahey waxaan ka baryi in ummadaan mas’uuliyada ugu dhiibo kuwa ugu kheyrka badan kana leexiyo kuwa mufsidiinta ah” Sidaasi waxaa bartiisa Facebook-ga ku yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaan uu musharax Tarsan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa kusoo beegmaya xilli ololaha doorashada musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya uu si aad usii kululaaday, kadib markii magaalada Muqdisho uu ka bilawday in lacago fara badan lagu kala iibsaday codadka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!