Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay wareega koowaad ee tirinta codadka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay maanta dooranayeen madaxweynaha cusub ee dalka hogaamin doonna 4-ta sano ee soo socota.
Tirada xildhibaan ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 328 xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana natiijo hordhac ah aynu helayno ay sheegayaan in doorashada weli lagu kala bixin, loona gudbi doonno wareega labaad.
Musharixiinta kala ah; Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa illaa iyo haatan ku horeeya codadka musharixiinta, waxayna afartaan musharax u gudbi doonaan wareegii labaad.
Musharixiinta ku tartameeysa doorashada iyo sida ay codadka u kala heleen:-
1- Xasan Sheekh Maxamuud – Wuxuu helay 88 cod
2- Maxamed C/laahi Farmaajo – Wuxuu helay 72
3- Sheekh Shariif Sheikh Axmed – Wuxuu helay 49 cod
4- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke – Wuxuu helay 37 cod
5- C/qaadir Cosoble Cali – Wuxuu helay 25 cod
6- Saciid C/laahi Deni – Wuxuu helay 17 cod
7- C/laahi Cali Gees – Wuxuu helay 14 cod
8- C/raxmaan C/shakuur Warsame – Wuxuu helay 9 cod
9- C/naasir Maxamed Cabdulle – Wuxuu helay 5 cod
10- Cali Xaaji Warsame – Wuxuu helay 3 cod
11- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan – Wuxuu helay 2 cod
12- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil – Wuxuu helay 2 cod
13- Maxamed Cali Jabarti – Wuxuu helay 1 cod
14- Saciid Ciise Maxamuud – Wuxuu helay 1 cod
15- Jibriil Ibraahim Cabdulle – Wuxuu helay 1 cod
16- Maxamed Cali Nuur Ameeriko – Wax cod ah ma helin
17- Bashiir Raage Shiiraar – Wax cod ah ma helin
18- C/laahi Ciilmooge Xirsi – Wax cod ah ma helin
19- Axmed Maxamed Cabdi – Wax cod ah ma helin
20- Maxamed C/risaaq – Wax cod ah ma helin
21- Maxamed Maxamuud Culusow – Wax cod ah ma helin
Waxaa halaabay 1 cod oo seddax meelood laga calaameeyay.
Waxaa waqtiyadda soo socdo loo gudbi doonnaa wareega labaad ee tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo isugu soo hari doonno Afarta musharax ee ugu codka badan, hadii aanay tanaasul jirin.
Musharixiinta u gudbi doonta wareega labaad ayaa kala ah:-
1- Xasan Sheekh Maxamuud, oo helay 88
2- Maxamed C/laahi Farmaajo oo helay oo helay 72 cod
3- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay 49 cod
4- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod
Wareega seddaxaad waxaa sidoo kale u gudbi doonno labada musharax ee ugu codka badan, wuxuuna qofka madaxweynaha noqonaya ku guuleysan karaa doorashada cod dheeri oo kaliya.
Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.