DEG DEG:- Cumar C/rashiid oo goordhaw shaaciyay inuu ka tanaasulay wareega labaad ee doorashada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee xilka kasii degaya ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay wareega labaad ee tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cumar C/rashiid oo ka mid ahaa 21-ka musharax ee tartanka doorashada ay maanta u codeeyeen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa hoolka ay doorashada ka socoto goordhaw kaga dhawaaqay inuu isaga haray wareega labaad ee tartanka doorasho, waana musharixii 4-aad ee ku dhawaaqo inuu ka tanaasulay.

Inkastoo aan la ogeyn sababta uu Cumar C/rashiid uga tanaasulay wareega labaad ee tartanka doorashada ayaa hadane ilo lagu kalsoonaan karo waxay warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyeen inuu u tanaasulay madaxweyhii hore ee dowladdii KMG ahayd musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Cumar C/rashiid ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa musharaxiinta dhawaan heshiiska ku gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku heshiiyay in la taageeri doonno musharixii ugu codka badan ee isbadel doonka ah, si meesha looga saaro inuu xukunka markale kusoo laabto Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo haatan ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ayaa hore u ahaa ra’iisul wasaaraha xilka kasii degaya ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo la sheegayo inay haatan saaxiibo dhaw yihiin madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn ugu ololeeynayaa inuu markale xilkaasi kusoo baxo.

Wareega labaad ayaa haatan waxaa ku tartami doonna seddaxda musharax ee kala ah:-

1- Xasan Sheekh Maxamuud

2- Maxamed C/laahi Farmaajo

3-  Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Si kastaba ha ahaatee, doorashadaan oo haatan si toos ah uga socoto xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayaa waxay tahay mid ay shacabka Soomaaliyeed si weyn ugu dhago taagayaan natiijadda kasoo bixi doonta.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!