DEG DEG:- Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo isku soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay wareega labaad ee tirinta codadka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo ay ku dooranayeen madaxweynaha cusub ee dalka hogaamin doonna 4-ta sano ee soo socota.

Tirada xildhibaan ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 327 xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka, waxaana wareega labaad ku tartamaayay musharixiinta kala ah; Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo goordhaw shaaciyay natiijadda doorashada ayaa sheegay in loo gudbi doonno wareega seddaxaad, islamarkaana ay ku tartami doonaan musharixiinta kala ah; Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Codadka ay kala heleen seddaxda musharax ee tartantay:-

1-  Maxamed C/laahi Farmaajo – Wuxuu helay 184 cod

2- Xasan Sheekh Maxamuud – Wuxuu helay 97 cod

3-  Sheekh Shariif Sheekh Axmed – Wuxuu helay 46 cod

Labadaasi musharax ayaa qofkii hela codadka badan noqon doonna madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo dalka hogaamin doonna 4-ta sanno ee soo socota.

error: Content is protected !!