Waxaa haatan xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaawday doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay u tartamayaan illaa 22 musharixiin.
Illaa 328 xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta u codeeyaan shaqsigii noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya 4-ta sano ee soo socota.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka labada Aqal ayaa weli ku sugan ilinka hore ee laga soo galo xarunta Afisyoone, halkaasi oo ay kusoo marayaan baaritaano xoogan.
Goobta ay doorashada ka dhaceeyso ayaa ah mid ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana daqiiqadaha soo socdo la filayaa inay si toos ah u bilaabato codadka ay dhiibanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Warar hordhac ah ay heleyso warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in dhowr musharixiin ay doorashada ku tanaasuli doonaan wareega koowaad, iyadoona musharixiintaasi ay gaareyso illaa 9 musharax.
Illaa iyo haatan lama oga cidda rasmiga ah ee ku guuleysan doonto doorashada, waxaana ragga ugu cad-cad doorashada ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, C/qaadir Cosoble Cali, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan la sheegayo inuu rajo weyn qabo.
Dhinaca kale, waxaa maalinta berri oo Axad ah la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya loo qabto dood-wadaag su’aalo lagu weydiin doonno, waxaana loo kala qeybin doonnaa laba qeybood oo ka kala dhici doonta gelinka hore iyo gelinka dambe.
Musharixiinta doorashada maanta ku tartameeysa waxay kala yihiin sida soo socota:-
1- Xasan Sheekh Maxamuud
2- Sheekh Shariif Sheikh Axmed
3- Maxamed C/laahi Farmaajo
4- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
5- C/qaadir Cosoble Cali
6- C/raxmaan C/shakuur Warsame
7- Jibriil Ibraahim Cabdulle
8- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
9- Maxamed Cali Nuur Ameeriko
10- C/naasir Maxamed Cabdulle
11- Bashiir Raage Shiiraar
12- C/laahi Ciilmooge Xirsi
13- C/laahi Cali Gees.
14- Axmed Maxamed Cabdi.
15- Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.
16- Maxamed Cali Jabarti
17- Maxamed C/risaaq
18- Cali Xaaji Warsame
19- Saciid C/laahi Deni
20- Maxamed Maxamuud Culusow
21- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil
22- Saciid Ciise Maxamuud