Wararkii ugu dambeeyay doorashada maanta iyo xilliga ay codeynta bilaaban doonto

Waxaa haatan xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho kusii qul-qulaya xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, halkaasi oo la filaayo in saacadaha soo socdo ay si toos ah uga bilaabato doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Illaa 329 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo ay soo doortaan qofka noqon lahaa madaxweynaha hogaamin doonna dalka 4-ta sano ee soo socoto.

Wariyaasha warbaahinta Bulshoweyn oo haatan ku sugan goobta ay doorashada ka dhaceeyso ayaa soo sheegaya in xildhibaanada ay haatan saxiixayaan liiska xaadirinta, waxaana saacadaha ina soo aadan la gudo gali doonnaa doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Bayle ayaa sheegay in doorashada ay si toos ah u bilaaban doonto gelinka dambe ee maanta, balse haatan la sameynayo isdiiwaan gelinta xildhibaanada codeyn doonto.

Waxaa la qorsheynayaa in codeynta doorashada ay si toos ah u bilaabato abaarihii 12-ka duhurnimo ee maanta, xilligaasi oo ay doorashada u dhici doonto si hufnaan leh, islamarkaana aan wax wal-wal badan laga qabin in masuq maasuq iyo wax is-daba-marin ay dhacaan.

Musharixiinta maanta doorashada ku tartameeysa ayaa gaaraya illaa 22 musharax, waxayna kala yihiin:-

1- Xasan Sheekh Maxamuud

2- Sheekh Shariif Sheikh Axmed

3- Maxamed C/laahi Farmaajo

4- Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

5- C/qaadir Cosoble Cali

6- C/raxmaan C/shakuur Warsame

7- Jibriil Ibraahim Cabdulle

8- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

9- Maxamed Cali Nuur Ameeriko

10- C/naasir Maxamed Cabdulle

11- Bashiir Raage Shiiraar

12- C/laahi Ciilmooge Xirsi

13- C/laahi Cali Gees.

14- Axmed Maxamed Cabdi.

15- Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.

16- Maxamed Cali Jabarti

17- Maxamed C/risaaq

18- Cali Xaaji Warsame

19- Saciid C/laahi Deni

20- Maxamed Maxamuud Culusow

21- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

22- Saciid Ciise Maxamuud

error: Content is protected !!