Wararkii ugu dambeeyay goobta ay doorashada ka dhaceeyso iyo sida uu jawiga yahay (SAWIRO)

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan ay halkaasi kusii qulqulayaan xildhibaano badan oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka iyo sidoo kale musharixiinta maanta ku tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wariyaha Bulshoweyn ee ku sugan xarunta ay doorashada ka dhaceeyso ee Afisyoone ayaa sheegaya in haatan inta badan xildhibaanada labada Aqal ay ku dhex sugan yihiin hoolka ay ka dhici doonto doorashada, halka qaar kalena ay weli ku jiraan safaf dhaadheer oo banaanka hore baaritaano kusoo marayaan.

Ciidanka nabad-sugidda qaranka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay ammaanka goobta si weyn u sugayaan, waxaana xubnaha galaaya xarunta doorashada ay marayaan baaritaano aan caadi ahayn.

Qof kasta oo galaya xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho ayaa laga reebayaa dhamaan qalabka elektroonikada, sida mobeelada, laptop-yada iyo kaamerooyinka ay wataan.

Xildhibaano ka mid labada Aqal ee baarlamaanka oo la hadlay wariyaha Bulshoweyn ayaa u sheegay inay si aad ugu qanacsan yihiin in baaritaanadaasi la marsiiyo maadaama ay tahay wax ammaankooda ku xiran.

Waqtiyadda soo socdo ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay si toos ah uga bilaabato xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoona haatan ay socoto qaban-qaabada ay doorashadaasi ku bilaabanayso.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!