Banaanbax ballaaran oo ka dhacay xaafadaha ku yaala magaalada Gaalkacyo (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaabax aad u ballaaran oo lagu taageerayay guushii uu Maxamed C/laahi Farmaajo ka gaaray doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaasi oo ay dhigayeen dadweyne fara badan oo isugu jira caruur, haween dhalinyaro iyo odayaal ayaa isugu soo baxay xaafadaha ku kala yaalla koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadkaasi ayaa banaanbaxooda ku muujiyay taageeridda buuxda ay u haayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Farmaajo ayaa keentay in shacab badan oo Soomaaliyeed ay dibadbaxyo farxadeed ka dhigaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya iyo sidoo kale caalamkaba.

error: Content is protected !!