Banaanbax ka dhacay Muqdisho iyo dhalinyaro baaq u diray Farmaajo (DHAGEYSO+SAWIRO)

Banaanbax aad u ballaaran islamarkaana ay dhigayeen dadweyne badan oo isugu jira caruur, haween dhalinyaro iyo odayaal ayaa maanta ka dhacay xaafadaha ku kala yaalla magaalada Muqdisho.

Dadkaasi ayaa banaanbaxooda ku muujiyay taageerada ay u haayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guushii uu madaxweyne Farmaajo xalay ka gaaray doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa keentay in shacab badan oo Soomaaliyeed ay dibadbaxyo farxadeed ka kala dhigaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya iyo sidoo kale caalamkaba.

Dhinaca kale, waxaa gobolada dalka Soomaaliya xalay ilaa maanta ka kala dhacay banaanbaxyo kala duwan oo aad u ballaaran, oo ay shacabka Soomaaliyeed ku muujinayeen taageeradda buuxdo ay u hayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!