Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo baaq kasoo saaray wadooyinka xiran ee Muqdisho (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa BAAQ aan caadi ahayn u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalaada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ay ka qaadaan dhagxaanta waaweyn oo maalmihii ugu dambeysay waddooyinka lagu jaray.

Yuusuf Madaale oo haatan u muuqda mid doonaya inuu la jaan-qaado isbedelka cusub ee ku yimid hogaanka dalka ayaa tilmaamay in ammaanka Muqdisho aan marnaba lagu sugi karin in dhagxaan la dhigo ama carro lagu gooyo waddooyinkaas.

“Waxaan leennahay meelaha dhagxaanta ama saandaagyada lagu xiray oo shacabka ciriiri geliyay, shacabka ha furtaan, dhagxaan iyo carro amni ma sugi karaan, dadka¬†shacabka ah iyagaa laga rabaa inay amnigooda si iskood ah u sugtaan” Sidaas waxaa yiri guddoomiye Yuusuf Madaale

Dhinaca kale, guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhowr jeer hore ugu baaqay wasaaradda amniga ee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud inay furto wadooyinka ay inta badan xiraan sababo la’aan, taas oo u muuqata mid ay wasaaradda xilligaasi wax ka qabatay.

Si kastaba ha ahaatee, baaqaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kusoo beegmaya xilli muddo hal maalin kadib markii magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaas oo loo doortay inuu noqdo Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!