Hadalkii macaanaa uu madaxweyne Farmaajo shalay ka jeediyay kadib guushii doorashada (DAAWO)

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo maalintii shalay loo doortay xilkaasi ayaa hadal kooban uu jeediyay kadib doorashada uu ku guuleystay sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan isbadel iyo tallo wanaag lasoo bixi doonno.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa marka hore mahad u kala diray xildhibaanada doortay iyo kuwa aan dooran, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doonno mideynta umadda Soomaaliyeed, islamarkaana soo celin doonno nabadii iyo kalsoonidii hore.

“Waxaa halkaan rabaa inaa uga mahad-naqo xildhibaanadii i doortay iyo kuwa aan i dooran, maanta waxay xildhibaanada baarlamaanka ka tarjumeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, waxaana guushaan leh shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay adduunka ka joogaan” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday in mudadda uu xilka haayo xifdin doonno ammaanada dalka, islamarkaana ka shaqeyn doonno isku keenida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta halkaan ballan idinkaga qaadayaa waxa la yiraahdo “Core Value” ama aasaas ii ah inaan ammaanada uu dalkaan leeyahay aan u xafido, inaan caddaalada ka shaqeeyo iyo inaan gacan-siinno dadka saboolka ah oo aan caawino” Ayuu Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu jeedin doonno khudbad, isagoona dhinaca kale mahad gaar ah u kala diray musharixiinta iyo labadii madaxweyne ee ugu dambeysay ee dalka soo xukumayay.

error: Content is protected !!