Madaxweyne Farmaajo oo baaq u jeediyay shacabka iyo ciidanka qalabka sida (DHAGEYSO)

Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo wareysi kooban siiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho ayaa mahad aad u ballaaran u kala jeediyay shacabka Soomaaliyeed, xildhibaanada labada Aqal, iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shucuurta iyo taageeridda ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen, isagoona dhinaca kale ugu baaqay inay guryahooda dib ugu noqdaan maadaama ay heleen wixii ay rabeen.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada baarlamaanka ku ammaanay sida dhaqsiyaha badan oo ay uga jawaabeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isagoona dhinaca kale mahad gaar ah u diray ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku howlan la dagaalanka argagaxisadda Al-shabaab.

“Waxaan mahad ballaaran halkaan uga jeedinayaa xildhibaanada baarlamaanka oo ka jawaabay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, waxaana shacabka leeyahay waa mahadsan tihiin taageeradiina buuxda aad i taageereyseen, waxaana idinka ka codsanayaa inaad is-dajisaan oo aad guryahiina dib ugu laabataan, maadaama aad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, waadna hesheen wixii aa rabteen, sidoo kale, waxaa halkaan mahad ballaaran uga dirayaa ciidamada qalabka sida oo har iyo habeenba u taagan inay la dagaalaan cadowga Al-shabaab ee caruurta iyo dadkeena laaya, hantiddana bur-buriya, waxaan leeyahay howshiina hore usii wada” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu dhawaan jeedin doono khudbad uu kaga hadli doonno aragtidiisa dheer oo ay ku shaqeyn doonto xukuumadda dhawaan lasoo dhisi doonno, taas oo noqon doonta mid dan ugu jirta dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo dalkaba.

error: Content is protected !!