Shacabka Soomaaliyeed oo weli u dabaal-degaya guushii uu shalay gaaray madaxweyne Farmaajo

Waxaa dhamaan dalka Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo daafaha adduunka weli ka soconayo dabaal-degyo iyo farxad aan kala joogsi lahayn, kadib guushii uu shalay gaaray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dadweyne badan oo ku kala sugan gudaha Soomaaliya iyo daafaha dunidda ayaa waxay weli muujinayaan farxad aan lasoo koobi karin, kadib markii xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ay shalay ka jawaabeen dalabkoodii iyo rabitaankooda.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay muujiyay in wax musuq-maasuq la yiraahdo ay ku yar-tahay dhexdooda, inkastoo weli ay xildhibaanadaasi ku dhex jiraan koox taageersan madaxweynihii xilka ka degay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudadii uu xilka haayay waxaa dhaleeceyn iyo hadalo naceyb oo isdaba joog ah kaga imaanaysay inta badan bulshada Soomaaliyeed, inkastoo aan la inkiri karin in xiriirka dibadda ee Soomaaliya uu si weyn u wanaajiyay.

Doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo ahayd mid taariikhi ah ayaa natiijadda kasoo bixi doonta waxaa isha kuwada haayay dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay aduunka kaga sugan yihiin, waxayna shalay ahayd maalin taariikhi ah oo aan marnaba la iloobi karin.

HAMBALYO MUDANE MADAXWEYNE MAXAMED C/LAAHI FARMAAJO

error: Content is protected !!