Waa sidee dhaq-dhaqaaqa magaalada Muqdisho kadib guushii madaxweyne Farmaajo?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya dib uga bilawday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo hore uga jiray, iyadoona maalmihii ugu dambeysay ay magaalada ahayd mid bandow ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhawaan sheegay in wadooyinka waaweyn ee Muqdisho iyo dhaq-dhaqaaqa dadweynaha la xadidi doonno inta ay socoto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo bandowga magaalada Muqdisho uu maanta ku ekaa ayaa hadane shacabka Soomaaliyeed waxay habeenkii xalay ilaaween in magaalada uu Bandow ka jiray.

Shacabka Muqdisho oo si weyn ugu farxay guushii madaxweyne Farmaajo ayaa habeenkii xalay dibadbaxyo aad u ballaaran ka dhigay wadooyinka ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo labadii maalmood ugu dambeysay u xirnayd arrimo amni awgeed.

Gaadiidka BL-ka oo ay dadka raacaan iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa habeenkii xalay lagu arkayay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona sidoo kale dib loo wada furay dhammaan goobihii ganacsiga oo maalmihii ugu dambeysay xirnaa.

Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid aad u degan, waxaana qofkasto oo aad aragto kuu sheegeysaa inay dareemayso farxad iyo ray-rayn aad u weyn.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhawaan soo magacaabo ra’iisul wasaaare cusub ee soo dhisa xukuumad tayo leh, si howlihii caadiga ahaa ee horey u jiray halkaasi looga sii amba-qaado.

error: Content is protected !!