Madaxweyne Farmaajo oo casuumay musharixiinta iyo seddax musharax aan kasoo qeyb-galin (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan casho ah u sameeyay musharixiinta uu kaga guuleystay doorashada xilka madaxtinimada dalka oo 8-da bishaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kulankaan casho sharafta ah oo ay kasoo qeyb-galeen inta badan musharixiinta isbadel-doonka ah ayaa waxaa goobta ka maqnaa seddax musharixiin oo ka mid ahaa musharixiintii doorashada kula tartamaysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uljeedka kulankaan casho sharafta ah uga dan-lahaa inuu ugu mahad-celiyo dhamaan musharixiinta, balse waxaa kulankaasi kasoo qeyb-galin seddax musharax oo hore xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.

Musharixiinta aan kasoo qeyb-galin kulanka casho sharafta ayaa kala ahaa:-

1- Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa madaxweynaha xilka looga guuleystay

2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynaha dowladii KMG ahayd

3- Cumar C/rashiid Cali oo isna ahaa ra’iisul wasaaraha xilka ka dhamaaday

Musharixiinta casho sharafta kasoo qeyb-gashay ayaa qaarkood rajo ka qaba inay xilal ka qabtaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonno, waxayna ahaayeen kuwii dhawaan ku midoobay inaan markale dib loo dooran Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa madaxweyne ay dadka shacabka ah intooda badan naceen.

error: Content is protected !!