Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay isbadelka ka dhacay dalka Soomaaliya (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuu si weyn usoo dhaweeynayo guushii uu madaxweyne Farmaajo ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo inuu yahay shaqsi khibrad badan u leh hogaanka dalka islamarkaana wax ka qaban kara xaaladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo baahnaa inuu dalka ka dhaco isbedel, islamarkaana uu haatan rajeeynayo in madaxweyne Farmaajo uu ka shaqeeyo nabada, hormarka, cadaalada iyo sidii uu isugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa rajeynaynaa isbadelka hadda dhacay inuu ka taliyo umadda Soomaaliyeed aayahooda, wanaageeda iyo horumarkeeda, Farmaajo waa shaqsi aan soo wada shaqeeynay, waana shaqsi ka bixi kara howshaan islamarkaana khibrad u leh hogaaminta dalka” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub, islamarkaana ku kalsoonaadaan dowladeeda iyo madaxweynahooda, isagoona dhinaca kale beesha caalamka ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!