Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dar-daaran aan caadi ahayn u diray madaxweyne Farmaajo (DHAGEYSO)

Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo hadal kooban ka jeediyay kulan ay magaalada B/weyne maanta ku yeesheen Odayaasha, Waxgaradka iyo Ugaasyadda gobolka Hiiraan ayaa dar-daaran aan caadi ahayn u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa marka hore madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, isagoona dhinaca kale uga digay in jilaafooyin siyaasadeed oo badan uu la kulmi doonno, si loo fashiliyo dowladiisa.

“Madaxweynaha, waxaan la socodsiinaynaa, macalimiintii jalaafadda inay hadda jiifaan, ayna soo kici doonaan, mudane madaxweyne howl-yarne inaysan ku sugeynin la soco, intaas ayaan kula dar-daarmeynaa, dadkana dadkii aad ogeyd ma ahan, isbadel badan ayaa jiro, wax-badanna waa la isku dayaa in lagu jilaafeeyo” Sidaasi waxaa yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Hadalkaan kasoo yeeray Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa imaanaya xilli magaalada B/weyne iyo magaalooyinka kale ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya ay maalmihii ugu dambeysay ka dhacayeen banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo xilka uu ku guuleystay Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!