Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday waxyaabaha u qorsheeysan inuu ku qabto 100-ka maalmood ee ugu horeeysa.
Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in haatan loo diyaar garoobayo waxyaabaha uu qaban lahaa 100-ka maalmood ee ugu horeeysa, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay talaabadda koowaad uu ku dhaqaaqi doonno.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dabaal-degyadii dalka ka dhacaayay uu haatan dhammaaday islamarkaana la gelay shaqadii ay qaban laheyd dowladda Soomaaliya.
“Waxaa dhacay dabaal-degyo aad u badan, marka wuu dhamaaday dabaal-degaasi, waxaa haatan la bilaabayaa qorshaha dib u dhiska dalka, waxaana qorshahayga 100-ka maalmood ka mid ah;
1- Sidii aa kusoo magacaabi lahaa ra’iisul wasaare soo dhisa xukuumad cusub oo qorshe u dejisa dalka;
2- Sidii loo xoojin lahaa cadaaladda, si qof walba uu xuquuqdiisa uu u helo;
3- Sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.